Home Wararka Maanta Dowlada Iran oo Digniin u jeedisay Dalalka Mareykanka iyo Israel

Dowlada Iran oo Digniin u jeedisay Dalalka Mareykanka iyo Israel

0

Wasiirka difaaca Iran, Mohammadreza Ashtiani  ayaa goor dhow sheegay weerar kasta oo ka yimaada Israa’iil inay si adag uga jawaabi doonaan

Wuxuu tilmaamay inaysan wali Israa’iil arag awoodda Iran, sababo la xiriira inaysan Iran weerarka caawa  u adeegsan gantaallada iyo hubkeeda horumarsan, isagoo weerarka caawa ku sheegay mid waafaqsan shuruucda caalamiga ah oo sharci ah.

Taliyaha guud ee ciidanka Iran, Mohammad Bagheri ayaa goor dhow markii u horreysay sheegay inay weerarri doonaan saldhigyada iyo xarumaha ay ku leeyihiin bariga dhexe dal kasta oo Israa’iil ku taageerro weerar ay ka geysato gudaha Iran iyadoo arrintan ay u muuqato in looa jeedo Mareykanka.

“Maamulka Israa’iil waa inuu ka fakara haddii uu isku dayo inuu weerarkan ka jawaabo burbur ballaaran oo gaari doona.” ayuu intaas ku daray taliyaha.

War saxaafadeed wadajir ah oo iyana ka soo baxay kooxaha ay Iran taageerto ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya, ayaa lagu sheegay inay weerar aan horey loo arag ku qaadi doonaan dhammaan saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla bariga dhexe , haddii Mareykanka uu isku dayo inuu weerarro Iran ama uu ka qeybqaato weerarrada ay qaadi karto Israa’iil.

Israel ayaa ku hanjabtay iney weerar aargudasho ku qaadeyso Iran, ayna duqeyn doonto xarumaha muhiimka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here