Milatariga Israel ayaa sheegay in “fashil xagga xirfadda ah” uu horseeday dilka 15 ka mid ah shaqaalaha gargaarka degdegga ah ee Qasa bishii hore.
Baaritaan lagu sameeyay dhacdadan oo ay sameeyeen Ciidamada Difaaca Israa’iil, ayaa lagu ogaaday guul darrooyin xiriir ah, oo ay ku jiraan “faham la’aan dhanka shaqada ah” iyo “jebinta amarro”.
14 ka mid ah shaqaalaha gargaarka degdega ah iyo shaqaale ka tirsanaa Qaramada Midoobay ayaa la dilay 23-kii Maarso ka dib kolonyo ay la socdeen gawaarida gurmadka ah, baabuur Qaramada Midoobey iyo baabuur dab-damis ah kaasoo rasaas ay ku fureen ciidamada Israa’iil.
War qoraal ah oo ay soo saartay IDF ayay ku sheegtay in ciidamadeedu ay rasaasta fureen iyaga oo aaminsanaa in ay halis ku soo wajahneed xilligaas.
Israa’iil ayaa ugu dambeyn qiratay in ciidankeedu ka dambeeyeen dilka 15 samafale oo reer Falastiin ah, ka dib markii ay in muddo ah ka meermeereysay mas’uuliyadda dilkaas. Laakiin caddeymo isdaba-joog ah oo la soo bandhigay ka dib, Israa’iil waxay qiratay falkaas ay ciidamadeedu ku beegsadeen dad biri-ma-geydo ahaa