Home Wararka Caalamka Dowlada Israil oo markii ugu horeesay ka hadashey Dilkii Ismaaciil Haniya ee...

Dowlada Israil oo markii ugu horeesay ka hadashey Dilkii Ismaaciil Haniya ee Tehran

0

Wasiirka difaaca ee Israa’iil ayaa markii ugu horreysay qirtay in Israa’iil ay bishii July ku dishay Tehran hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyah.

Israel Katz ayaa hadalkan ku sheegay khudbad uu wacad ku maray inay beegsan doonto madaxda dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, kuwaasoo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacaya Israa’iil.

“Sida aan ku samaynay Haniyeh, [Yahya] Sinwar, iyo [Xasan] Nasrallah ee Tehraan, Gaza, iyo Lubnaan, waxaanu sidaas ku samayn doonaa Xudeyda iyo Sanca,” ayuu yiri, isaga oo ula jeeday hogaamiyayaasha Xisbullah iyo Xamaas oo dhamaantood la dilay sanadkan.

Haniyeh, oo 62 jir ah, ayaa si weyn loogu tixgalin jiray hogaamiyaha guud ee Xamaas, waxaana uu door muhiim ah ka qaatay wada xaajoodyadii lagu doonayay in xabad joojin laga gaaro marinka Qaza.

Sinwar ayaa waxaa dilay militariga Israa’iil ka dib dagaal ka dhacay Gaza bishii Oktoobar, kooxda ayaa wali ku guda jirta doorashada hogaamiyaha cusub.

Haniyeh ayaa lagu dilay dhismo uu ku sugnaa oo ku yaalla caasimadda Iran, waxaana lagu dilay weerar ay Israa’iil si weyn u sheegatay.

Dhanka kale Hassan Nasrallah wuxuu ahaa hogaamiyaha kooxda ay Iran taageerto ee Hezbollah – waxaa lagu dilay Beirut bishii Sebtembar iyadoo Israa’iil ay si weyn u kordhisay ololaheeda militari ee ka dhanka ah Xisbullah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here