Home Wararka Maanta Dowlada Jabuti oo ka laabatay Go’an ay Dekada ku siineysay Itoobiya

Dowlada Jabuti oo ka laabatay Go’an ay Dekada ku siineysay Itoobiya

0

Jabuuti ayaa mar kale sheegtay inay u yaboohday Addis Ababa heshiis deked wadaag, tallaabadaasoo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda ka dhex aloosan dalalka Geeska Afrika ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa aad u xumaaday markii Itoobiya ay bishii Janaayo heshiis muran badan dhaliyay oo dhinaca badda ah la gashay maamulka gooni u goosadka ah ee Soomaaliya ee Somaliland.

Heshiiska is-afgaradka (MoU) ayaa siinaya Itoobiya oo ka mid ah dalalka ugu waaweyn adduunka ee aan bad lahayn in ay hesho bad, balse Soomaaliya ayaa ku cambaareysay in ay weerar ku tahay madax-bannaanideeda.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mahamoud Ali Youssouf ayaa sheegay in dowladiisa ay ku yabooheyso in dekadda Tadjoura ay si wada jir ah u maamulaan Itoobiya, balse waxa uu beeniyay in ay qorsheynayaan in gabi ahaan u gacan gelinayaan Itoobiya.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in hadalkiisu ahaa in dekedda Tojora suuqeeda kor loo qaado, maadaama imika labadii biloodba hal markab ku xiro, isla markaana Itoobiya u soo bandhigayeen in ay wada maamulaan waxna kala degto.

Wasiirka ayaa sheegay in ujeeddadu ahayd inay haystaan macaamiishooda u weyn ee Itoobiya, si aanay ugu guurin ayuu yiri Somaliland iyo Eritrea.

“Waxaan u soo jeedinay Itoobiyaanka ma ahan in aan ka iibino dekedda Tadjoura, weligeed su’aal ma gelin bixinta ama iibinta dekedda,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

“Waa dhaxal qaran oo aan weligeed cidna laga iibin doonin,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in taas beddelkeed “si wadajir ah ayaan u maamuleynaa (dekadda)”.

Dekaddan oo ay ku kacday $60-ka milyan, islamarkaana la furay 2017, ayaa waxay marin u siinaysaa Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, taasoo ka mid ah marinnada ugu waaweyn caalamka ee ganacsiga badda.

Mahamoud Ali Youssouf ayaa sheegay inay muhiim u tahay Djibouti oo dhaqaalaheeda ku tiirsan ganacsiga caalamiga ah iyo maraakiibta inay haysato ganacsiga Itoobiya.

Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Billene Seyoum, si degdeg ah ugama jawaabin codsi ay u dirtay AFP oo ku saabsanaa falcelin.

Sida ku cad heshiiskii 1-dii Janaayo ee ay la gashay Addis Ababa, Somaliland waxay ogolaatay inay 20 kiiloomitir (12 mayl) oo xeebteeda ah muddo 50 sano ah ka kirayso Itoobiya oo doonaysa inay ka samaysato saldhig ciidan iyo deked ganacsi.

Taas beddelkeeda, Somaliland waxay sheegtay in Itoobiya ay siinayso aqoonsi rasmi ah, inkasta tani aysan marnaba xaqiijin Addis Ababa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here