Dowladda Kenya ayaa diidan Inay ku wareejiso Maamulka Jubaland ciidamada Dowladda Faderaalka ee isku dhiibay. Saraakiisha Dowladda iyo ciidankooda ayaa ku sugan xaduuda Kenya Raaskaambooni. Ilaa 700 ciidan ayaa halkaaasi iska dhiibay iyaga iyo hubkooda. Waxaana socdo waan-waan udhexeyso labada Dowladod ee Somaaliya iyo Kenya oo ciidamada lagu keenayo Muqdisho.
Guddomiyihii hore degaanka Badhaadhe Muxumed Fanax ayaa ciidamo uu wato iyo gadiidkoda waxay ka galeen xaduuda Kenya degaanka Howsingoo, warar ayaa sheegayo Muxumed Fanax inuu dhaawac fudud ahaa. Waana shaqsigii Dowladda Faderaalka ah ay laheshiisay si magaalada Raaskaambooni ciidamada Dowladda u tagaan . Maamulka Jubaland ayaa gacanta ku hayo ciidamdo lagu qiyaasay ku dhawaad 100 askari iyo gadiid dagaal.
Xaalada Raaskaambooni ayaa degan shalay dagaalkii ahaa ka dib, wali isgaarsinta ayaa hawadda ka maqan, Maamulkaa Jubaland ayaa diyaarinayo inuu Kismaayo usoo qaado ciidamada Dowladda ee halkaasi joogo iyo hubkooda. Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu cambaareyay dhacdadii Raaskaambooni ka dhacday iyado lagu sheegay in ciidamada Qaranka dib ugurasho sameyeen.