Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Markale Qaaday Talaabo lagu weeraraayo Axmed Madoobe

Dowlada Soomaaliya oo Markale Qaaday Talaabo lagu weeraraayo Axmed Madoobe

0

Dowlada Soomaaliya oo Dhawaan looga Adkaaday Dagaalkii Mileteriga ahaa ee raaskanbooni ayaa Markaan Qaaday Talaabo kale oo la Doonaayo in axmed Madoobe Jubaland looga saaro.

dowlada Soomaaliya ayaa Wada qorshe ay maamul ku meel Gaar ah looga Dhisaaya Gobalka Gedo Madaama Axmed Madoobe isdoortay Dowlada ayaana Wada inay maamulkaas si ku meel Gaar ah ugu Aqoonsato Maamulka Cusub ee Jublaand.

Dowlada Soomaaliya ayaa Maantay Wafdi isugu Jira Siyaasiyiin iyo Saraakiil Ciidan U dirat Gobalka Gedo Gaar ahaan Garbahaareey Sidoo kale dowlada ayaa Ciidan ku daabulaysa Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo Qorshaha Dowlada ayaana ah in Gabi ahaanba Gobalka Gedo Gacan ku hayntiisa Dowlada Soomaaliya Lasoo Wareegto.

Axxmed Madoobe Wali kama Hadlin Xaaladaan iyo Jihada Cusub ee dowladuu qaaday waana Dhabar jab kale oo la doonaaya in axmed  Madoobe lagu Curyaaimiyo.

isku dayggaan Dowlada lama oga Halka uu ku danbayn Doono Dowlada Soomaaliya ayaana Shalay iyo maantay Sooo Celinaysay Ciidamadii Xooga Dalka ee Raaskanbooni ku jabay Kuwaas oo isku dhiibay Ciidamada Kenya.