Elon Musk, madaxa shirkadaha Tesla iyo SpaceX, ayaa baraha bulshada gaar ahaan X ka dhaliyay dood xoogan kadib markii uu ku eedeeyay Ilhaan Cumar “khiyaano qaran”, isaga oo ka jawaabaya muuqaal ay ka muuqatay Ilhaan oo la hadlaysay taageerayaal Soomaaliyeed oo ku nool Minnesota sanadkii 2024.
Muuqaalkan oo si weyn ugu wareegay internet-ka, ayaa laga maqlayaa Ilhaan Omar oo ka hadleysa arrimaha ku saabsan khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan qorshaha Itoobiya ee dhisashada saldhig badeed oo ay ka hesho Somaliland.
Ilhaan ayaa hadalkaas ku balanqaaday inay “u istaagi doonto difaaca danaha Soomaaliya”, islamarkaana ay Washington ku riixi doonaan inay “sida aan rabno u dhaqanto.”
Elon Musk, oo dib u faafiyay muuqaalkaas Arbacadii, ayaa ku qoray X: “Tani waxay u egtahay khiyaano qaran.” Hadalkiisa ayaa si degdeg ah u faafay, waxaana ka dhashay dood kulul oo u dhaxeysa taageerayaasha Ilhaan iyo kuwa Musk.
Ilhaan Omar ayaa hadalladan markii hore jeedisay Janaayo 2024, iyada oo ka jawaabeysay xiisadda cirka isku shareertay ee ka dhalatay heshiiskii hordhaca ahaa ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Somaliland.
Ilhaan ayaa markaas ku adkeysatay inay ka shaqeyn doonto sidii loo ilaalin lahaa midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Inkasta oo taageerayaal badan oo Soomaali ah ay u arkeen hadalkeeda mid ujeedkiisu yahay difaaca danta dalkooda, hadalka Musk ayaa kor u qaaday dood siyaasadeed qaran oo ku saabsan doorka xubnaha Congress-ka ee arrimaha dibedda iyo xiriirkooda bulshada ay matalaan.








