Home Wararka Maanta Faah-faahin Dheeraad ah:- Dad badan oo ku dhintay Weerarka Caawa lagu qaaday...

Faah-faahin Dheeraad ah:- Dad badan oo ku dhintay Weerarka Caawa lagu qaaday Xeebta Liido

0

Khasaaro xooggan ayaa lasoo warinayaa in uu ka dhashay weerar qaraxyo ismiidaamin ah ku bilowday oo caawa lagu qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho .

Sida aan wararka ku heleyno qaraxyada kaddib ayaa rag hubeysan waxa ay galeen maqaayada Beach View ee kutaalla xeebta Liido, halkaas oo xilliga uu weerarku dhacayay ay ku sugnaayeen dad badan oo meelo kala duwan ka kala yimid.

Ragga hubeysan ayaa lasoo warinayaa in ay toogasho ka geesanayaan maqaayada ay galeen iyo bannaanka xeebta Liido, waxaa sidoo kale halkaasi gaaray ciidanada ammiga oo isku dayaya in ay weerarka soo afjaraan.

Muuqaallo lasoo duubay oo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa laga arkayay dad dhintay, kuwa dhaawac ah iyo dad kale oo wadnaha dhulka ku haya, kuwaa oo xilligan xaalad adag wajahaya.

Ciidamada ammaanka ayaa soo badbaadiyay dad badan oo ku sugnaa goobta weerarku ka dhacay, waxa ay sidoo kale ciidamada wadaan badbaadinta dad wali ku go’doonsan halka weerarku ka socdo.

Waxii soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here