Home Wararka Caalamka Faransiiska oo soo saaray Amar lagu soo xirayo Assad

Faransiiska oo soo saaray Amar lagu soo xirayo Assad

0
Photo/Remy de la Mauviniere / AP / NTB

Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar Al-Asad oo lala xiriirinayo weerar lagu dilay laba wariye sanadkii 2012-kii.

Saxafiyad khibrad leh oo Maraykan ah oo lagu magacaabo Marie Colvin (56 jir), una shaqaynaysay wargayska The Sunday Times ee British ka ah, ayaa lagu dilay weerar ay ciidamada dawladda Suuriya ku qaadeen magaalada Homs ee dalka Suuriya, February 22, 2012.

28-jir sawir qaade Faransiis ah oo lagu magacaabo Remi Ochlik ayaa lagu dilay isla weerarkaas, kaasoo ay dacwad oogayaasha Faransiisku baaritaan ku sameeyeen inuu yahay dambi ka dhan ah bini’aadantinimada.

Xukuumadda Bashaar Al-asad ayaa waxaa bishii December ee lasoo dhaafay afgambiyey kooxaha Islaamiyiinta ah, waxaana madaxweynaha iyo qoyskiisa la siiyay magangalyo siyaasadeed oo ay ka helaan dalka Ruushka.