Home Wararka Maanta Gabar Dishay Askari Kala Dhaxeeyay Xiriir Jaceyl oo Muqdisho lagu qabtay

Gabar Dishay Askari Kala Dhaxeeyay Xiriir Jaceyl oo Muqdisho lagu qabtay

0

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir , ayaa gacanta kusoo dhigay gabar lagu eedeeyay in xalay saqdii dhaxe guri ay kuwada sugnaayeen ku dishay askari katirsanaa ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada kumaandooska ee Danab.

Sida aan wararka ku helnay Nawaal Saalax Cabdulle ayaa labo xabbadood wadnaha uga dhufatay Liibaan Cabdi Daahir oo ahaa askari katirsanaa ciidanka xoogga dalka, dilka ayaana ka dhacay qol la sheegay in askariga iyo gabadha kuwada sugnaayeen.

Qorayga dilka ay ku geesatay gabadha ayaa la sheegay in uu lahaa askariga geeriyooday, ilaa hadda lama oga sababta dhabta ah ee keentay in gabadhan disho askariga xiriirka jaceyl kala dhaxeeyay ayna wada joogeen guri kuyaalla degmada Wadajir.

Ciidamada ammaanka ayaana gacanta kusoo dhigay gabadha dilka geesatay iyada oo argagaxsan, waxa ay sidoo kale ciidamada soo xireen dad kale oo la sheegay in ay ku sugnaayeen guriga xalay falka dilka ah uu ka dhacay.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya faah faahin  kama bixin dilkan gabadha xalay u geesatay askariga la sheega in uu xiriirka jaceyl kala dhaxeeyay, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in falkan ku socdo baaris ayna dib ka faah faahin doonaan sida dilkan u dhacay iyo waxa sababay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here