Home Wararka Maanta Galmudug oo Gacanta Kusoo Dhigtay Gacan Ku Dhiigle Cabduldeeq Khaliif

Galmudug oo Gacanta Kusoo Dhigtay Gacan Ku Dhiigle Cabduldeeq Khaliif

0

Ciidamada booliiska ee ka howlgala deegaanka Galinsoor ee gobolka Mudug ayaa gacanta kusoo dhigay nin la sheegay in uu yahay gacankudhiigle, kaa oo sannadkii hore deegaan  lagu magacaabo deegaanka Xero Jaalle oo katirsan Puntland dil kasoo geestay.

Ninka dilka ku eedeysan oo lagu magacaabo Cabduldeeq Khaliif ayaa lagu qabtay deegaanka Galinsoor ayaa loo soo wareejiyay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, halkaas booliiska Galmudug kusii wareejiyeen.

Taliska booliiska koonfurta Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaana ninka gacankudhiiglaha ah maanta ku wareejiyay taliska qeybta booliiska gobolka Mudug qeybta Puntland iyo guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali ayaa uga mahadceliyay maamulka Galmudug sida ay gacanta ugu soo dhigeen ninkan dilka ka geestay Puntland ee u baxsaday deegaanno katirsan maamulka Galmdug.

Previous articleMahad Abiib oo Sharci ka helay Faransiiska, Xili laga Ceshtay Dhalashada Norway
Next articleSheeko layaab leh:Laba Maalin kadib Markii ay Qaadatay Diinta Islaamka ayay ku Geeriyootay Magaalo aan Qof ehel ah U joogin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here