Home Wararka Maanta Heshiis dhexmaray beelo ku dagaalamay Deegaano ka tirsan Galmudug

Heshiis dhexmaray beelo ku dagaalamay Deegaano ka tirsan Galmudug

0

Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa ku Guulaystay in heshiis xabad Joojin ah iyo Ciidamo la dhex dhigo Beelo Walaala ah oo ku dagaalamay inta u dhaxaysa degaannada Baliseenyoolle iyo ina Jiirow oo kuyaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Cadaado iyo Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wasiiro iyo  Xildhibaano ka tirsan Galmudug  oo deegaankan kaga dhawaaqay Heshiiska xabad Joojinta ah ayaa la Kulmay dhaqanka Dhinacyada dagaalamay kuwaas oo qaatay Nabada, isla markaana xal ka gaaray wixii dhexmaray.

Saraakiisha Hogaaminayso ciidamada Dowlada ee ku kala dhex Jirey maleeshiyaadka sheegey in iyagu masuul ka yihiin amniga inta u dhaxayso degaannada lagu dagaalamay, isla markaana aan lagu arki karina qof Qori wato.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa dhinacyada ugu baaqay inay dhaqan geliyaan heshiiska xabad-joojinta ah oo ay wada gaareen.

Mid kamid ah Odayaasha Dhaqanka labada Beeleed ayaa dhankiisa sheegay inay nabadda qaareen, balse uu digniin u diray dad uu sheegay inay xilal ku raadinayaan isku dirka Beelaha degan degaannada iyo degmooyinka Maamulka Galmudug.

Shir la doonayo in heshiis rasmi ah lagu kala dhex-dhigo dhinacyada ku dagaalamay inta u dhaxaysa degaannada Baliseenyoolle iyo ina Jiirow ayaa waxaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu Gogoshiisa dhigay Magaalada Dhuusamareeb 16 Bishaan oo lagu wado in uu furmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here