Ciidamada milatariga Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in Iiraan ay dhowr gantaal ku soo tuurtay Israa’iil aroornimadii hore ee Khamiista, weerarkaasi oo sababay in qaybo badan oo dalka ka mid ah laga dhaqaajiyo digniinaha duqeymaha cirka iyo in dadku u cararaan goobaha gabaadka.
Sida ay sheegeen saraakiisha milatariga Israa’iil, digniinaha ayaa laga maqlay magaalooyin kala duwan, waxaana sidoo kale qaraxyo laga maqlay magaalada Qudus (Jerusalem). Ilaa iyo hadda lama soo sheegin wax khasaare naf ah oo ka dhashay weerarkan.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in weerarku uu yimid kadib hakad socday in ka badan toddobo saacadood, kadibna ay soo saareen saddex digniin oo kala duwan oo ku saabsan gantaallo ay Iiraan soo ridday. Digniinahan ayaa la sheegay inay dhaceen wax ka yar laba saacadood gudahood.
Dhanka kale, Hay’adda Warbaahinta Qaranka ee Iiraan (IRIB) ayaa sidoo kale xaqiijisay in gantaallo loo riday Israa’iil, iyadoo warbaahinta dalkaasi ay sheegtay in weerarku qeyb ka yahay jawaab celin milatari.
Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur xoogan oo la sheegay inuu ka dhashay weerarka, inkastoo weli aan si rasmi ah loo xaqiijin baaxadda khasaaraha ka dhashay duqeymaha.
Xiisadda u dhaxaysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa sii kordheysa, iyadoo labada dhinac ay maalmahan is weydaarsanayeen weerarro iyo hanjabaado milatari.







