Xiisadda Bariga Dhexe ayaa sii xoogaysatay kaddib markii warbaahinta Iiraan ay sheegtay in Ilaalada Kacaanka Iiraan ay weerarro ku qaadeen saldhigyo uu Maraykanku ku leeyahay dalalka Khaliijka, gaar ahaan Kuwayt, Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn.
Wakaaladda wararka ee Fars ayaa baahisay in weerarradaasi ay ka mid yihiin tallaabooyin aargoosi ah oo Iiraan uga jawaabayso duqeymaha ay saaka Tehran ka fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil.
Dowladda Baxrayn ayaa xaqiijisay in xarun adeeg oo ka tirsan Taliska Ciidamada Badda Maraykanka ee United States Fifth Fleet lagu dhuftay gantaal. Xaruntaas oo ku taalla magaalada Manama ayaa la sheegay in ay la kulantay duqeyn, iyadoo la filayo in faahfaahin dheeraad ah la soo saaro.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn ayaa muwaadiniinta u dirtay digniin taleefoonno ah oo ku saabsan khatar jirta, iyadoo seeriga gurmadka degdegga ah laga maqlay qaybo ka mid ah caasimadda.
Sidoo kale, seeriyo digniin ah ayaa laga maqlay meel u dhow saldhig Maraykanku ku leeyahay dalka Qatar. Mas’uuliyiin Qatari ah ayaa sheegay in nidaamka difaaca gantaallada dalkaasi uu hawada ku qabtay gantaal Iiraani ah ka hor inta aanu gaadhin badhtilmaameedkiisa.
Dhanka Imaaraadka, dadka ku nool magaalada Abu Dhabi ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo waaweyn subaxnimadii Sabtida. Wakaaladda wararka ee WAM ayaa xaqiijisay in Imaaraadku si guul leh u qabtay dhowr gantaal oo Iiraan soo ridday.
Si kastaba, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in firir ka dhashay gantaallada la soo riday uu ku dhacay xaafad ku taalla Abu Dhabi, taasoo sababtay khasaare hantiyeed iyo dhimashada hal qof oo ajnabi ah oo Aasiya u dhashay.
Hay’adda Duulista Rayidka ee Imaaraadka ayaa ku dhawaaqday in si ku meel gaadh ah loo xidhay qaybo ka mid ah hawada dalka, arrintaas oo lagu tilmaamay tallaabo taxaddar oo gaar ah.
Weerarradan ayaa imanaya iyadoo xiisaddu cirka isku shareertay kaddib hawlgallo militari oo ballaadhan oo Maraykanka iyo Israa’iil ay ka fuliyeen gudaha Iiraan, taasoo keentay in Tehran ku dhawaaqdo in ay qaadi doonto tallaabooyin aargoosi ah.
Beesha caalamka ayaa si dhow ula socota xaaladda, iyadoo laga cabsi qabo in iska horimaadkani isu beddelo dagaal ballaadhan oo saameeya guud ahaan gobolka Khaliijka iyo marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee halkaasi ku yaalla.








