Home Wararka Caalamka Israel oo ka hortimid Dalab ka yimid Kooxda Xamaaz ee ku Aadan...

Israel oo ka hortimid Dalab ka yimid Kooxda Xamaaz ee ku Aadan Xabad-joojinta

0
Photo/Ammar Awad/Reuters,FILE

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa ka horyimid soo jeedin ay soo bandhigtay kooxda Xamaas oo ay la wadaagtay dowladda Qatar , si loo gaaro heshiis xabbad-joojin ah oo dhax marta Xamaas iyo Israa’iil.

Xamaas ayaana ogolaatay in heshiis xabbad-joojin ah la gaarto Israa’iil, waxa ayna kooxda soo jeedisay inta aan heshiiska la gaarin in marka hore Israa’iil ciidankeeda ka saarto magaalada Qasa , kaddibna heshiiska la dhaqangeliyo.

Ra’isul Wasaaraha maamulka Israa’iil Benjamin Netanyahu , ayaa ka biyo diiday dalabka Xamaas, waxa uuna doonayaa in ciidankiisa sii joogaan magaalada Qasa ee dhulka Falastiin inta lagu jiro heshiiska xabbad-joojinta ah .

Netanyahu ayaa dalka Qatar maanta u diray xubno qeyb ka noqonaya wadahadallada , iyadoo la tixraacayo waxa ay doonayso Israa’iil, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu.

Wadahadallada ayaa mar kale u muuqda kuwa dheer oo aan laga sugeyn si dhaqso ah in heshiis loo gaaro, xilli ay ciidamada Israa’iil ay sare u qaadeen duqeymaha ay ka geysanayaan marinka Qasa oo ay maalintii ku dhimanayaan ku dhawaad boqol ruux.