Home Wararka Maanta Iran oo ka hadashey Weerar ka dhacay Yemen oo lagu dilay Askar...

Iran oo ka hadashey Weerar ka dhacay Yemen oo lagu dilay Askar Mareykan iyo Israel ah

0

Madaxweynaha Iran Mascud Pezeshkian ayaa ku dhawaaqay Xaqiiqda weerarka lagu laayay koox ciidan calooshood u shaqeystayaal oo lagu dilay gudaha dalka Yamen kuwaasoo ka soo kala jeeday dalalka Mareykanka iyo Israel

“Dhuumashada waa la iskaga daba yimid, hadda waan ognahay Damacooda iyo Meesha ay cagta dhigayaan. Haddii ay isku dayaan inay Xageena u soo dhaqaaqaan” ayuu yiri, Wuxuuna ugu baaqay Kooxda Xuutiga inay amniga dalkooda xaqiijiyaan.

Hadalka madaxweynaha Iran ayaa ka dambeeyey ka dib markii galabta la soo wariyay Koox Mareykan iyo Yahuud iskugu jira oo isku dayay in ay gudaha Yaman kana sameeyaan Hawlgal Madax lagu qaarijinayo Meydadkooda.

Sida laga soo xigtay Jeneraalo Mareykan ah iyo ilo Sirdoon oo ku sugan Barriga Dhexe, Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa dilay 70 Askar iyo Calooshood u shaqeystayaal iskugu jira oo kumaandoos ahaa, kana tirsanaa Mareykanka iyo Israaiil, kuwaasoo la doonayay in ay howlgal qorsheysan ka fuliyaan gudaha Yemen.

Col. Douglas MacGregor oo ah Sarkaal howlgab Mareykan ah ayaa sheegay inay Xuutiyiinta dhammaan laayeen, askartaas oo qorshe culus ka fulin lahaa gudaha Yemen iyagoo xeebaha Yemen ka galay aag banaan oo cidlo ah laakiin uu basaasay dayax Gacmeed ay dawladda Ruushka leedahay, ka dibna Iiraan oo xogta lala wadaagay ay u gudbisay Xuutiyiinta Yemen.

Muuqaalo lagu wadaagay Barta X ee Twitter la oran jiray ayaa muujinaya Ciidan hubeysan oo Yemen ah oo meydad daadsan dultaagan, kuna dhawaaqaya Allahu Akbar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here