Home Wararka Caalamka Ku dhawaad labo Milyan oo Muslimiin ah oo maanta taagan Buurta Carafo

Ku dhawaad labo Milyan oo Muslimiin ah oo maanta taagan Buurta Carafo

0

Ku dhawaad laba Milyan oo Muslimiin ah oo ka kala yimid aduunka oo dhan ayaa maanta isugu tagay Buurta Carafo si ay halkaas ugu gutaan mid ka mid tiirarka ugu waa weyn Xajka.

ujaayda ayaa aroornimadii hore ee saakay ka dhaqaaqday deegaanka Mina oo 10 KM u jira Buurta Carafo oo ku taala inta u dhaxeysa magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Taa’if.

Xujeydu waxay taagnaan doonaan Banka Carafo laga bilaabo salaada Duhur ilaa qorax dhaca maanta, halkaas oo ay Alle ku baryayaan uguna ducaysanayaan si dareen leh, maadama Culimadu maalintaan Carafo ku tilmaameen in si gaar ah loo rajeeyo dembi dhaaf iyo toobad keen.

Waxaa sidoo kale Culimadu sheegeen in Maalinta Carafo ay tahay maalin Alle uu Naarta ka xoreeyo dadka ugu badan, islamarkaana taasi ay ka dhigan tahay in  maalintan ka duwan dhamaan maalmaha kale, waana maalin fursad qaali u ah oo qof walba oo Muslim ah, haddii uu joogo xajka ama uu joogo gurigiisa.

Ugu dambeyntii  dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa digniino joogto ah u dirtay xujeyda Sanadkan, taasoo la xariirta halista cimilada dalkaas oo ah mid aad u kulul, maadaama sanadkii lasoo dhaafay kuleyl dartiisa u dhinten in ka badan kun qof oo Xujaay aheyd.