Madaxweynaha Dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa aqbalay in uu wadahadal la yeesho dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin si loosoo afjaro colaadda kala dhaxeysa tan iyo sanadkii 2022 oo dalkiisa geliyay dhibaatooyin xooggan oo ka muuqda.
Zelensky oo si cad uga hor yimid baaqa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ah in uu ka tanaasulo qayb kamid ah dhulkiisa si Ruushka looga soo qaado gobollo kale ayaa u dad badsaday isaga oo madaxda ugu sarreysa Yurub kala hadlay walaaca uu qabo.
Ugu dambeyn waxa uu ogolaaday la kulanka Madaxweynaha Ruushka si wadahadalkaan uu gogol-xaar ugu noqday wadaxaajood kale oo lagu soo afjaro colaadda si jirta iyada oo laga billaabayo xabbad-joojin sida wararku sheegayaan.
Suxufiyiin ku sugan Aqalka Cad Maraykanka ayaa sheegay in Madaxweynaha Ukraine uu muujiyay bisayl siyaasadeed oo lagu dhowrayo dedaallada uu wado dhiiggiisa Donald Trump si looga mira-dhaliyo wadahadalkii uu la yeeshay Vladimir Putin.