Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku riixay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy inuu dhul ballaaran siiyo Ruushka, intii lagu guda jiray kulan Jimcihii ay aqalka cad ku yeesheen.
Wufuudda Ukraine ayaa waxaa ka muuqday niyad jab, sida ay sheegeen laba qof oo warbixin laga siiyay kulankaasi.
Trump ayaa sidoo kale diiday in uu siiyo gantaalada Tomahawk si ay u isticmaasho Ukrain, waxa uuna ku fakaray in uu damaanad qaad amni siiyo Kyiv iyo Moscow, taasi oo ay wafdiga Ukraine u arkeen mid muran badan dhalinaysa, ayay ku dareen laba ilo wareed oo codsaday in aan magacooda la shaacin.
Ka dib markii uu la kulmay Zelensky, Trump wuxuu si cad ugu baaqay xabbad-joojin laga sameeyo aaggga hore ee dagaalka, go’aankaasi oo madaxweynaha Ukraine Zelensky uu markii dambe taageeray markii uu la hadlayay suxufiyiinta.
Il wareed saddexaad ayaa sheegaysa in soo jeedinta uu sameeyay Trump intii uu socday kulanka, ka dib markii Zelensky uu ku adkaystay in aanu si bareer ah wax dhul ah ugu wareejin doonin Ruushka.