Madaxweynaha Ukraine ayaa ku sugan Jarmalka si uu uga qayb galo wadahadalladii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo duullaanka dalkiisa. Ergayga gaarka ah ee Mareykanka Witkoff ayaa ku biiraya wadahadallada, laakiin Ruushka ayaan ka qeyb gali doonin wadahadaladan.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saari doonaa ‘xabad joojin suurtagal ah oo ka dhacda Ukraine,’ sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan dowladda Jarmalka.
Washington ayaa cadaadis sii kordhaya saaraysa Ukraine si ay heshiis nabadeed ula gaarto Ruushka.
Wadahadalladii Axaddii ayaa dhammaaday 5 saacadood ka dib, waxaana lagu wadaa inay dib u bilaabmaan maanta oo Isniin ah.
Wadahadalladan ayaa imanaya maalin kadib markii weerarro xooggan oo Ruushku ka geystay koonfurta Ukraine oo keentay koronto la’aan soo wajahday in ka badan hal milyan oo qoys.
Dhanka kale, Ukraine waxay sheegtay in ciidamada Ruushka ay mar kale weerareen markab xamuul ah oo Turki ah oo ku sugan Badda Madow.








