Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa kulan labo geesood ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Ankara, iyadoo kulankan hordhac u yahay wada hadalada dowladda Turkiga garwadeenka ka tahay ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Kulankan oo ay ku wehliyaan labada Madaxweyne Wasiirada Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga, Warfaafinta iyo Taliyeyaasha Sirdoonka labada dal ayaa la filayaa in marka uu soo dhammaado ay billowdaan wada hadalada loogu kala dab-qaadayo Wafdiga ka kala socda Soomaaliya iyo Itoobiya.