Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay kalfadhiga lixaad ee baarlamaanka ayaa mar kale ka hadlay qorshaha dowladdiisa ee doorashada qof iyo codka ah ee weli dooddu ka taagan tahay.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in 56 sano kadib ay doonayaan in dadka Soomaaliyeed ay si xor ah oo cadaalad ah u dhiibtaan codadkooda, soona doortaan hoggaankooda.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale baarlamaanka la wadaagay go’aan culus oo la xiriira doorashada, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay mallaayiin dollar kusoo iibisay qalabka loogu tala galay qabashada doorashada qof iyo codka, dadaalkana ay si wadi doonaan.
“Waxaan rabaa BFS inaan u sheego in dowladdu diyaarisay dhaqaale iyo qalabkii lagu hirgelin lahaa doorashada, waxaana diyaar u nahay inaan wixii cawinaad ah waydiisano caalamka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay walaaca laga muujinayay doorashooyinkan, wuxuuna tilmaamay in ka mas’uuliyiin ahaan aanay dalku gelin doonin halis, isaga oo dalbaday in lagu kalsoonaado dowladiisa iyo dadka ka shaqeynaya arrimaha doorashooyinka dalka.
“Ma jirto sabab aan dalka khatar u gelino, waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed inaan isku kalsoonaano, kuna sii kalsoonaano dadka ka shaqeynaya doorashada. Berri haddii nala dooran waayo inaan iska baxno oo aan Gurigeena ku laabano dhib nagu ma heyso,laakiin majirto sabab aan halis u galino dalka” ayuu sii raaciyay.
Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday arrinta dastuurka, wxuunka baarlamaanka ugu baaqay in kalfadhigaan ay dhammeystiraan cutubyada haray ee horyaalo baarlamaanka