Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in ay fuliyeen duqeymo cirka ah oo lala beegsaday bartilmaameedyo lala xiriirinayo fallaagada Xuutiyiinta ee ku sugan caasimadda Yemen ee Sanca, oo ay ku jiraan xarun lagu keydiyo gantaallada iyo goob “amar-kontorool” ah.
Taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), oo kormeera howlgallada ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe, ayaa Sabtidii sheegay in duqeymaha ay uga gol lahaayeen “in lagu carqaladeeyo laguna wiiqo howlgallada Xuutiyiinta”.
Sarkaal sare oo ka tirsan Xuuthiyiinta ayaa ku tilmaamay weerarada Mareykanka “Weerar Argagixiso”.
“Weerarada argagixisada Maraykanku waxay xaqiijinayaan sharci-darrada iyo dambiyada gobolka,” Mohammed Ali al-Houthi, oo xubin ka ah Golaha Sare ee Siyaasadda ee fallaagada Yemen, ayaa lagu qoray X.
“Falalka argagixisanimo ee aan naxariista lahayn ee ka dhanka ah Yemen ma joojiyaan taageerada [Gaza],” ayuu sarkaalku ku daray.
Kooxdan xulafada la ah Iran ayaa hore weeraro ugu qaaday ciidamada badda Maraykanka iyo maraakiib ganacsi oo marayey badda cas, Bab al-Mandeb iyo gacanka cadmeed, CENTCOM ayaa sidaa ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada .