Home Wararka Caalamka Muqdisho oo looga Dhawaaqay Ururka caddaaladda iyo wadajirka

Muqdisho oo looga Dhawaaqay Ururka caddaaladda iyo wadajirka

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, qaar ka mid ah madaxda Maamul Goboleedyada Dalka, masuuliyiin iyo marti kala duwan ayaa xalay ka qeyb galay daahfurka Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka oo ah mid ballaaran.

Shirweynaha oo ah midkii koowaad ee ururka ayaa lagu doortay hoggaanka ururka, waxaana uu ka mid noqonayaa ururrada cusub ee ku soo biiraya loolanka ururrada ee doorasho qof iyo cod ah loogu jiro.

Guddoomiyaha ahna musharaxa madaxweynaha ururka ayaa loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee ururka laga dhigay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo khudbad ka jeediyay munaasabaddii xalay looga dhawaaqay urur siyaasadeedkiisa JSP ayaa sheegay in ay dalka ka hirgelinayaan doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana raadinayaan codka shacabka, waxaana uu dhaliilo adag u jeediyay siyaasiyiinta ka ra’yi duwan dowladdiis oo uu ku tilmaamay kuwa sanduuqooda siyaasadeed eber yahay.