Home Wararka Maanta Raisal Wasaare Xamze oo ku wajahan Magaalada Baydhabo

Raisal Wasaare Xamze oo ku wajahan Magaalada Baydhabo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta oo Arbaco ah  ku wajahan magaalada Baydhabo, si uu u qaboojiyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhex qaraxday Villa Somalia iyo Koofur Galbeed.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse uu ku qancin doono Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen, si uu uyimaado Magaalada  Muqdisho, loona ambaqaado xalinta arrimaha taagan iyo tabashada ay qabto Koofur Galbeed.

Lama oga in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagareen)  uu aqbali doono dalabka Ra’iisul Wasaaraha, iyad aoo uu weli jiro khilaafka u dhaxeeya Villa Somalia iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Villa Somalia ayaa ka dambeeyay kadib markii Xildhibaano gaaraya ilaa 25 Mudane oo katirsan Golaha Shacabka ay sheegeen inay taagersan yihiin in degaannada Koonfur Galbeed ay sii joogaan Ciidamada Itoobiya, hadalkaas oo ay ka carootay Villa Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here