Ruushka ayaa billaabay weerarki ugu ballaarnaa ee bishan oo uu ku qaado Ukraine kadib markii Trump uu martigeliyay Zelenskyy, hoggaamiyeyaasha EU-da iyo UK.
Xili ay Washington ka socdaan dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine, ayuu Ruushku xalay geystay weerar habeenimo ah oo u isticmaalay 270 diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn iyo 10 gantaal oo lagu weeraray dalkaas, ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sidaas sheegay.
Wasaaradda Tamarta ee Ukraine ayaa sheegtay in Ruushku uu bartilmaameedsaday xarumaha tamarta ee ku yaala bartamaha Poltava, oo ay ku yaalaan warshadda kaliya ee saliidda sifeysa ee Ukraine, taas oo sababtay dab weyn maanta oo Talaada ah.
Weerarkan ayaa ahaa kii ugu balaarnaa ee bishan, waxaana uu ku soo beegmay maalin kadib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Aqalka Cad ku qaabilay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy iyo madaxda Yurub si ay wadahadallo ugala hadlaan dadaalladiisa nabadeed.
Si loo helo heshiis nabadeed oo lala galo Ruushka, Ukraine waxay dooneysaa dammaanad amni oo ay ka hesho NATO iyo ciidan xoog leh oo Yukreeniyaan ah oo ay siiyaan hub iyo tababar ay bixiyaan saaxiibada reer galbeedka.
Trump wuxuu sheegay inuu gacan ka geysan doono ilaalinta, laakiin wuxuu diiday inuu sameeyo balanqaad ciidamada Mareykanka ah.
Ruushka ayaa marar badan ku gacan seyray fikradda ciidamo la geeyo Ukraine, isagoo sheegay inaysan aqbali doonin ciidamada NATO inay fariisin ku yeeshaan Ukraine.
Zelenskyy iyo hogaamiyayaasha Yurub ayaa sheegay in Putin uu ka dalbaday Ukraine inay faraha kala baxdo gobalka Donbas, oo ah gobolka warshadaha ee bariga Ukraine oo ka kooban ismaamulada Donetsk iyo Luhansk, halkaas oo ay ka dhaceen qaar kamid ah dagaaladii ugu xooganaa, laakiin ciidamada Ruushka ayaa ku guuldareystay inay gabi ahaanba qabsadaan.
Ruushka iyo Ukraine ayaa sidoo kale sheegay inay maanta isdhaafsadeen meydad badan ee askartooda ah, taasoo qayb ka ah heshiisyadii lagu gaaray wadahadalladii nabadeed ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga horaantii sanadkan.