Home Wararka Maanta Sawiro:- Shacabka Iiraan oo u dabbaaldegaya Xabad Joojinta la gaaray

Sawiro:- Shacabka Iiraan oo u dabbaaldegaya Xabad Joojinta la gaaray

0
Photo/Reuters

Shacabka Iiraan ayaa u dabbaaldegaya Xabad Joojinta laga gaaray Dagaalka Israel iyo Iran ee qaatay 12-ka Maalin kaasi oo ku soo dhamaaday Fashil.

Dadka reer Iran ayaa dibadbax ka dhigaya caasimadda Tehran si ay ugu dabaaldegaan dhamaadka dagaalkii ay bilowday Israel.

“Dadka ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada waxay sii wadaan inay ku qul qulayaan isu imaatinnada guusha ee dalka oo dhan, ayuu Baahiyay TV-ga rasmiga ah ee Iran.

Dagaalkii u dhexeeyay Israa’iil iyo Iiraan wuxuu ahaa dagaalkii ugu dheeraa oo si toos ah u dhexmara, waxaana dib loo xusuusan doonaa inuu ahaa “maskax, gantaal iyo sirdoon” lagu hardamay balse aan cidna guul buuxda gaadhin.