Shiinaha ayaa si degdeg ah u ballaarinaya awooddiisa nukliyeerka, iyadoo hadda la qiyaasayo inuu haysto ku dhowaad 600 madaxyo nukliyeer ah, halka uu dhisayo in ka badan 350 oo gantaallo cusub.
Ballaarintan waxaa ka mid ah nidaamyada ridista dhulka, cirka iyo badda, iyadoo la sheegay in Shiinaha hadda leeyahay 462 gantaallo nukliyeer ah oo gaari kara gudaha Mareykanka,sida ay maanta werisay Reuters.
Mareykanku wuxuu saadaalinayaa in Shiinaha uu doonayo ka hor sannadka 2030 inuu helo in ka badan 1,000 madaxyo nukliyeer ah. Inkasta oo Shiinuhu si rasmi ah u sheegay inuu dhaqangelinaya siyaasadda inaan hubka nukliyeerka marka hore la adeegsan.
Dowladda Mareykanka ayaa ka digaysa in Shiinaha laga yaabo inuu tixgeliyo adeegsi nukliyeer marka hore haddii uu dagaal uu ku qaado Taiwan , ay ka dhalato weerarro khatar geliyo jiritaankiisa oo ay reer galbeedka ku qaadaan.