Dowlada Soomaaliya iyo Shirkadaha diyaaradaha ee gudaha Soomaaliya kashaqeeya ayaa ugu dambayn qodobadan ku heshiiyey.
Laga bilaabo berrito oo Sabti ah shirikadaha diyaaradaha waxay bixinayaan afar diyaaradood oo ciidan cusub lagu geynayo Magaalada Raaskanbooni. Qorshuhu waa in labaatan duulimaad oo ciidan ah maalmahan soo socda Raaskanbooni laga dejiyo. Dhamaan kharashka duulimaadyadan waxaa bixinaya oo qeybsanaya Ururka shirikadaha diyaaradaha ee Soomaaliya. Dowlada ayaa heshiiskan kahor bixisay digniin ah in diyaaradii diida amarkan lagala noqonayo shatiga iyo sharciyada ay Soomaaliya kaga shaqayso.