Home Wararka Caalamka Sweden oo 7 Sano ku Xukuntay Dhaqtar lagu Helay Dambiyo Galmo ah

Sweden oo 7 Sano ku Xukuntay Dhaqtar lagu Helay Dambiyo Galmo ah

0

Maxkamadda Uppsala ee dalka Sweden ayaa 7 sano oo xarig ah ku xukuntay dhaqtar hore oo afartameeyo jir ah, kadib markii lagu helay dambiyo dhowr ah oo kufsi iyo faraxumeyn ah oo uu u geystay bukaano ku sugnaa xarun caafimaad oo ku taal magaalada.

Kiiskan ayaa billowday bishii February ee sannadkii hore markaasoo nin dhallinyaro ah uu gudbiyay warbixinta booliiska kaddib markii uu booqday xafiiska dhakhtarka. Markii baaritaanku bilaabmay, bukaanno badan oo hore ayaa la soo xiriiray booliiska, iyaga oo ka warbixiyay weerarro la mid ah.

Tirada dhibanayaasha ayaa gaadhay sagaal qof, kuwaas oo dhamaantood sheegay inay arkeen hal dhakhtar, sida uu ku waramay wargeyska Expressen .