Dhowr qof ayaa lagu dilay toogasho wax yar ka hor ka dhacday Uppsala. Idaacadda Sweden ayaa sheegtay in saddex qof ay ku dhinteen shilkaasi, tiro kalena ay ku dhaawacmeen, balse xaaladooda ma’ahan mid halis ah.
Booliiska ayaa markii dambe xaqiijiyay dhimashada saddex qof, iyagoo xusay inay sii wadayaan dadaallada ay ku raadinayaan dadka dhintay. Booliska ayaa dhacdadan u baaraya inuu yahay dil, sida ay ku soo qoreen shabakadooda.
Sida lagu sheegay xog uu qoray wargeyska Aftonbladet, booliisku waxa ay ku raad joogaan tuhmane la rumaysan yahay in uu goobta shilku ka dhacay kaga tagay mooto koronto ah (elsparkcykel).
Wargeysku waxa uu intaa ku daray in toogashadu ay ka dhacday meel ku dhow goob Timo-jare ah.
Gaadiidka tareenada ee ka imaanaya Uppsala ayaa si ku meel gaar ah loo hakiyay 5:30 galabnimo. Laakin maamulka gaadiidka Iswiidhan ayaa ku dhawaaqay in uu dib u howlgalay mar kale.