Maxkamadeynta labo waalid oo ku nool magaalada Borås ayaa shalay oo Arbaca ah ka bilaabatay eedeymo la xiriira dayacaad weyn, kaddib markii saddex carruur ah oo ay dhaleen ay la ildaran yihiin ilko dalool oo aad u daran.
Dayaca Caruurtaan ee dhanka ilkaha ayaa keentay in dhowr ilkood laga soo saaro, halisna u gelineyso dhibaato caafimaad mustaqbalka.
Waalidiinta ayaa wajahaya xabsi haddii lagu helo dambiga, sida uu sheegay P4 Sjuhärad .
Dhakhaatiirta Ilkaha ee ku sugan Porås ayaa u sheegay maamulka xaalada sii xumaanaysa ee caafimaadka ilkaha carruurta.
Sida ay sheegtay xeer ilaalinta, baaritaanno lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in mid ka mid ah carruurta uu u baahday siddeed ilkood in laga soo saaro suuxinta guud, halka walaalaha kale ay sidoo kale soo gaareen dhaawac halis ah oo keeni kara dhibaatooyin mustaqbalka.
Somaliska Stockholm