Wasiirka Difaaca Switzerland, Martin Pfister, ayaa sheegay in weerarada ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran ay yihiin kuwo jebinaya sharciga caalamiga ah.
Wareysi uu siiyay wargeyska SonntagsZeitung oo maanta la daabacay, Pfister ayaa sheegay in Golaha Federaalka ee Switzerland (xukuumadda dalka) uu aaminsan yahay in weerarka lagu qaaday Iran uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.
“Golaha Federaalka wuxuu qabaa in weerarka Iran lagu qaaday uu yahay jebinta sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri Pfister. Wuxuu intaas ku daray in ficilkaasi uu ka hor imanayo mabda’a caalamiga ah ee mamnuucaya adeegsiga xoogga militari.
Wasiirku wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lug leh dagaalka inay joojiyaan colaadda si loo ilaaliyo dadka rayidka ah.
Pfister wuxuu caddeeyay in hadalkiisu uu khuseeyo dhammaan dalalka jebiyay mamnuucidda adeegsiga xoogga, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Israa’iil.
“Mareykanka iyo Israa’iil waxay Iran ka weerareen hawada, taas oo sida Iran oo kale ay ku jebiyeen sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jarmalka ahna Wasiirka Maaliyadda, Lars Klingbeil, ayaa sidoo kale muujiyay walaac weyn oo ku saabsan sharciyadda dagaalkan. Wareysi uu siiyay shabakadda wargeysyada RND ayuu ku sheegay inuu qabo “shaki weyn oo ku saabsan in dagaalkan uu sharci ku yahay sharciga caalamiga ah.”
Klingbeil wuxuu sidoo kale ka digay khatar weyn oo ah in dunidu u sii siqeyso xaalad ay ka baxayaan xeerarkii iyo nidaamkii caalamiga ahaa.
“Waxaa jirta khatar weyn oo ah inaan sii galeyno adduun aan lahayn wax xeerar ah. Ma doonayno inaan ku noolaano dunida uu ka shaqeeyo keliya sharciga kan ugu awoodda badan,” ayuu yiri.
Sidoo kale dowladda Spain ayaa cambaareysay duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iran, iyagoo ku tilmaamay kuwo halis ah oo sharci darro ah.
Khabiirro badan oo dhanka sharciga caalamiga ah ah ayaa sheegay in weerarada ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran ay u badan tahay inay jebinayaan qodobada Axdiga Qaramada Midoobay ee mamnuucaya gardarrada, isla markaana aysan lahayn sabab sharci ah oo lagu difaaco.








