Home Wararka Caalamka Turkiga oo ka hadlay Wararka ku Saabsan in nidaamka S-400 la keenay...

Turkiga oo ka hadlay Wararka ku Saabsan in nidaamka S-400 la keenay Soomaaliya

0

Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa si cad u beenisay warar sheegaya in nidaamyada difaaca hawada ee S-400 ee Ruushka laga keenay laga soo dejiyay Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sheegtay inaysan jirin wax qorshe ah oo hubkan loogu adeegsanayo meel ka baxsan Turkiga.

Bayaan ay soo saartay Khamiistaan maanta ah ayay wasaaraddu waxay caddeysay in S-400 ay weli hoos yimaadaan xakameynta buuxda ee Turkiga islamarkaana diyaar u yihiin hawlgallada ciidanka qalabka sida ee dalka.

Mas’uuliyiinta ayaa bulshada iyo saxaafadda ku boorriyay inaysan ku qancin warar soo noqnoqda oo aan sal lahayn.

Wasaaradda waxay ku adkaysay in nidaamyadan hubka ay u haystaan ay tahay keliya ujeeddooyinka difaaca qaranka Turkiga, isla markaana aan loo qorsheynin in lagu isticmaalo waddan kale.

Inkasta oo wararkaas la beeniyay, wasaaraddu waxay xaqiijisay in iskaashiga difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya uu weli socdo, hoos yimaada heshiisyadii labada dal Iskaashigan waxaa diiradda lagu saaray, Tababarka ciidamada Soomaaliya iyo dhisidda awoodooda, La-dagaalanka argagixisada iyo Ilaalinta kheyraadka dhaqaale iyo meelaha istiraatiijiga ah ee Soomaaliya.

Sanadihii u dambeeyay, Turkigu wuxuu ballaariyay ka qaybqaadashadiisa amniga iyo difaaca Soomaaliya, gaar ahaan dhisidda awoodda ciidamada iyo xoojinta xasiloonida Geeska Afrika.