Home Wararka Maanta Magaalada Jigjiga oo lagu soo dhaweeyay Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya

Magaalada Jigjiga oo lagu soo dhaweeyay Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya

0

Taliyaha guud ee Ciidanka Itoobiya Gen. Berhanu Jula iyo Ku xigeenkiisa Gen. Abebaw Taddese ayaa maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida.

Taliyayaasha ayaa waxaa Garoonka Jigjiga kusoo dhaweeyay Madaxda u sareeysa dowlad degaanka Soomaalida oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Hoggaanka Nabadgalyada Dayib Axmednuur.

Sida ay sheegtay Warbaahinta Ciidamada Itoobiya Taliyayaashan ayaa imaanshiyahooda Jigjiga lagu sheegay in ay tahay si ay uga qaybgalaan Xuska 47aad ee Aasaaska Ciidamada Taliska bariga Itoobiya oo markii u horreysay Jigjiga lagu qabanayo.

Burhanu Julla Taliyaha Guud ee Ciidanka Itoobiya ayaa sidoo kale xarig jar ku samaynaya Xarunta Tababarada Taliska Ciidanka Bariga Itoobiya oo laga furayo Xerada Garabcase oo ku taalla duleedka magaalada Jigjiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here