Home Wararka Caalamka Xisbullah oo Duqeymo ka geysatay Dhulka Israel iyo Saameyn ka dhalatay Duqeymaha

Xisbullah oo Duqeymo ka geysatay Dhulka Israel iyo Saameyn ka dhalatay Duqeymaha

0
Xisbullah, ayaa Maanta oo Jimce ah dib u bilaabay Weerarada Gantaalladda iyo Madaafiicda ah ee ka dhanka ah Israa’iil, kuwaas oo hakad ku sameeyay Xuduudka, ka dib markii ay Israa’iil ku dishay Taliyihii Millateriga ee Kooxda Lubnaan ee Beirut.
Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay gantaal dhulka ah ku rideen diyaarad dagaal oo ay leedahay Israa’iil oo ku duuleysay hawada Lubnaan, isla markaana ay ku qasabtay inay dib u laabato. Ciidamadeedu waxay kaloo qaadeen laba weerar oo madaafiic ah iyo laba gantaal oo lagu weeraray fariisimo ciidan oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil.
Milatariga Israel ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay ku guulaysteen in ay qabtaan bartilmaameed dhanka hawada ah oo ka yimid dhanka Lubnaan oo galay buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato.
Duqeymo cirka ah iyo madaafiicda Israa’iil ayaa lagu garaacay tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla koonfurta Lubnaan Jimcihii, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Lubnaan, maalin kaddib markii duqeyn ay Israa’iil ku dishay ugu yaraan shan muhaajiriin Suuriyaan ah oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan, sida ay sheegeen dhakhaatiirta.
Milateriga Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in ay duqeyn ku dileen labo dagaalyahan oo ka tirsan Xisbullah oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here