Home Wararka Somaliya Somaliland Xukuumadsa Somaliland oo qaadday tallaabo ay sheegtay in dekad ay kaga dhiseyso...

Xukuumadsa Somaliland oo qaadday tallaabo ay sheegtay in dekad ay kaga dhiseyso magaalada qadiimiga ah ee Lughaya

0

Xukuumadsa Somaliland ayaa qaadday tallaabo ay sheegtay in dekad ay kaga dhiseyso magaalada qadiimiga ah ee Lughaya ee gobolka Awdal, iyadoo horey uu u jiray tuhun ah in halkaa ay tahay goobta laga kireeyay Itoobiya.

Kulan ku saabsanaa dhismaha dekaddaan ayaa magaalada Boorama ku dhex maray madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin, ganacsato iyo odayaasha gobolka.

Shirkaas waxaa laga sheegay in xukuumaddu bixisay lacag dhan hal malyan oo doolar oo dekadda lagu dhisayo, isla markaana loo dhiibay madaxweyne hore Riyaale.

Kulanka ganacsatada iyo odayashaan ayaa laga filayaa inay dhaqaale ay ku daraan kan xukuumaddu ay bixisay, haddii taa dhici kari waydana xukuumaddu waxay sheegtay in iyadu ay dhameystiri doonto.

Balse lama shaacin xilliga sida rasmiga uu dhismaha dekaddu u billaaban doono, marka laga tago in hadda la shaaciyay dhaqaalihii ugu horreeyay oo lagu bilaabayo.

Sidoo kale, lama shaacin tirada rasmiga ee dhaqaalaha ay ku kici karto dhismaha dekedan.

Wasiirka xiriirka golayaasha iyo arrimaha dastuurka ee Somaliland Cabdi Naasir Buuni ayaa sheegay in aaney jirin wax ka dhiman bilaabashada dhismaha, marka laga eego halka ay hadda wax marayaan iyo dedaallada socda.

“Wax harayba ma jirto waxa adduunka ugu daran waa dhaqaale dhaqaale-na xukuumadda madaxweyne Biixi ayaa bixisay waxa haray waa farsamo,” ayuu yiri wasiir Buun.

Wuxuu muujiyay wasiirku in dhismaha dekkaddu dhaqso u bilaabanayo marka hadalkiisa, maadama warka dhismaha uu muddo taagnaa.

Sanadkii 2017-kii markii madaxweyne Muuse Biixi uu raadinayay xukunka uu hadda hayo ayaa waxyaabihii kooxdiisii ay ku ololeynaysay waxaa ka mid ahaa dhismaha dekaddan, waxaana tillaabada ay hadda qaaday ay imaaneysaa xilli doorashdii kale ay soo dhowdahay.

Xiriir miyaa ka dhaxeeya dekaddii laga kireeyay Itoobiya iyo tan Lughaya laga dhisayo?

Dad badan sida ay la socdaan horraantii sanadkaan Itoobiya iyo Somaliland waxaa dhex maray is-afgarad ku saabsanaa in Itoobiya laga kireeynayo dekad ay wax kala soo degto iyo saldhig ciidan oo badda cas ku yaalla, hase yeeshee si cad looma shaacin halka dekadaasi noqonayso, labada dhinac midkoodna ma cayimin goobta ay gayiga kaga taal.

Balse waxaa jiray tuhunno ku gedaaman arriintaa kadib markii Ridwan Xuseen, oo markii xiisaddaan taagneed ahaa la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo wareysi gaar ah siinayaya bishii jannaayo ee sanadkaan warbaahinta dowladda ee EBC uu ku sheegay “in goobta ay Somaliland heshiiska kula gashay ay tahay Lughaya oo ka tirsan gobolka Awdal,”.

Ridwan ayaa difaacay xilligaa go’aanka ay Itoobiya is-afgaradka kula saxiixatay Somaliland.

Waxa uu ku dooday in “inkasta oo Somaliland aysan helin aqoonsi calami ah, ay horey heshiisyo ula saxiixatay dalal kala duwan, oo ay ku jiraan heshiisyo dekado lagu horumarinayo.”

Waxaase hadda wasiirka xiriirka goleyaasha iyo arimaha dastuurka ee Somaliland Cabdi Naasir Buuni, uu BBC-da u sheegay in u qalab-qaadashada dhimaha dekadda Lughaya ee Somaliland iyo arrintaa aanu wax xiriir ah ka dhaxeyn.

“Wax xiriir ah ma jiro, iminka waa dekad horumar hadda waxa la dhisayo, dekaddu markey dhisantana wax kasta oo dekadi qabato ayaa looga faa’iideysan doonaa,” ayuu yiri wasiir Buuni.

Maxaan ka naqaannaa Lughaya?
Lughaya waa magaalo xeebeed qaddiimi ah oo ku taalla waqooyi galbeed ee gobolka Awdal, waxaana maamula Somaliland, waxayna 50 km koonfurta kaga beegantahay dekedda Jabuuti, halka 200 km-na ay dhanka waqooyiga ka xigto magaalada Berbera.

Lughaya waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu faca weyn gobolka Awdal, iyadoo Shacabka degganna ay u badanyihiin dad xoolo dhaqato ah oo sidoo kalena ah, kalluumeysato.

Tirada dadka ku nool Lughaya waxaa lagu qiyaaso 75,000 oo qof.Waa deegaan muhiim ah marka la eego halka ay ku taallo.

Deegaannada hoos-yimaada degmada Lughaya waxaa lagu cabbiraa dhul baaxaddiisu le’eg tahay ilaa 10,421 kiiloo mitir oo ay dhaqan yihiin dad lagu sheegay tiradooda ilaa 182,706 oo qof.

Previous articleMareykanka iyo Ingiriiska oo ku dhawaaqay Talaabo Culus oo Ka Dhan ah Iiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here