Ilaalada gaarka ah ee loo yaqaan Secret Service ayaa adkeysay ammaanka Joe Biden laga bilaabo maanta, iyadoo loo maleynayo inuu goor dhow ku dhawaaqi doono inuu doorashada ku guuleystay, sida uu qorayo wargeyska Washington Post.

Ammaanka ayaa la sugi doonaa, kaddib markii kooxdiisa ololaha ay ku wargeliyeen waaxda inuu khudbad jeedin doono gelinka hore ee maanta (xilliga Mareykanka).

Haweeney u hadashay waaxdaasi, Catherine Milhoan ayaa diidday inay ka hadasho arrintaas, iyadoo sheegtay inaysan waaxdu wax ammaanka quseeyo kala hadlin saraakiil sare.

Kalkaaliyeyaasha Biden sidoo kale ka hadlin arrintaas.

Biden iyo kooxdiisa ololaha waxay ku sugan yihiin xarun ku taalla Wilmington, Delaware.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*