Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa diiday in uu cambaareeyo dalka Ruushka ka dib markii lagu eedeeyay sumeyntii hogaamiyihii mucaaradka dalkaasi Alexei Navalny,.

Trump aya sheegay in uusan hayn caddeyn ku saabsan sumaynta hogaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny .

Waxa uu intaa ku daray in arrintan ay tahayt “mid musiibo ah “.

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donold Trump ayaa wariyayaasha ugu baaqay in Ruushka badalkii ay diiradda saari lahaayeen ay diiradda saaraan Shiinaha oo uu sheegay inay ka halis badan yihiin Ruuska.

Gaashaanbuurta Nato iyo Jarmalka ayaa waxay sheegeen in ay jiraan”caddeymo aan shaki ku jirin” oo ku saabsan in Mr Navalny lagu weeraray suntan waxyeelaysa neerfoonyiinka ee loo yaqaano Novichok.

Hogaamiyayasha kale ee la shaqeeynayay Mr Navalny ayaa waxay dhankooda sheegeen in sumayntiisa ay tahay amar ka soo baxay aqalka Kremlin.

Muxuu yiri Trump?

Mr Trump oo shir jaraa’id ka hadlayay Jimcihii ayaa waxa uu sheegay in ilaa iyo imika uusan hayn cadeymo ku saabsan in la sumeeyay hogaamiyahaasi.

“Ma aqaan xaqiiqadii wixii dhacay, waxaan u malaynayaa inay musiibo tahay ayna ahayd in aysan dhicin,” ayu yiri madaxwayne Trump.

“Ma hayno wali wax cadeyn ah, balse waan eegi doonaa,” ayuu intaa ku daray.

Madaxwayne Trump ayaan cambaareyn Mr Putin balse sheegay in xukuumadda Beijing ay ka halis badan tahay.

“Waa mid xiiso leh in qof walba uu xusayo Ruushka, waxbana kama qabo in Ruushka la xuso, balse Shiinaha ayaan aaminsanahay in wax badan ka hadashaan,” ayuu yiri Mr Trump.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*