Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya inay waddo dhaqdhaqaaq ay ku faragelineyso arrimaha gudaha Soomaaliya isla markaana damac gaar ah ka leedahay tallaabadaas.

Wuxuu sheegay in Kenya ay u hayaan ixtiraam iyo deris wanaag balse aysan Kenya ka muuqan ilaalinta arrintaas.

“Kenya kama muuqato deris wanaag ee waxaa ka muuqdaa damacdaba socda riyo maalmeed aan munaasab aheyn iyo qaran ku dhisan dalanteed oo ay ku hunguriyeeyneyso dhulka iyo badda Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuubakar Dube.

Wuxuu intaas ku daray in Kenya muddo badan ay kala shaqeynayay arrimaha amniga balse aysan wax wadashaqeyn ka helin ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya taasina dhibaato kasoo gaartay shacabka ku nool gobolka Gedo.

“Kenya waxay faragelin joogta ah ku haysaa maamulka goboleedka Jubaland oo ay madaxdiisu ku qasabto arrimo kasoo horjeedo oo ka dhan ah danta iyo wadajirka umadda soomaaliyeed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*