Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha Air Jabuuti ayaa maanta ku dhacday magaalada Garowe.

Diyaaradda oo ay cidna wax ku noqon ayaa la sheegay shilkeeda inuu sababay cillad farsamo oo ku timid.

Agaasimaha shirkadda diyaaradaha Air Jabuuti Cabdiraxmaan Cali Cabdillaahi ayaa BBC-da u sheegay inay qarxeen taayaradda diyaaradda markii ay caga dhiganeysay.

“Labada shaag ee dambe markii ay diyaaradda fariisaneysay ayay qaraxday, duuliyihii diyaaradda si fiican buu fariisiiyay wax rakaab ah oo wax ku noqday ma jiraan” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Wuxuu intaas ku daray in diyaaradda aysan markii laheyn wax cilad ah balse ay taayarada qarxeen markii ay ka dageysay garoonka diyaaradaha ee Garowe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*