Qoraal lagu daabacay barta X, Ciidanka Cirka ee Israel ayaa sheegay inay dhameystireen wareeg kale oo duqeymo ah oo lagu beegsaday gantaallada ballistic-ga iyo nidaamyada difaaca hawada ee galbeedka iyo bartamaha Iran.
Mid ka mid ah goobaha la bartilmaameedsaday ayaa ahaa meel laga gano gantaallo oo ku taalla gobolka Qom ee bartamaha dalka.
Milatarigu wuxuu intaas ku daray in duqeymaha bartamaha Iran ay “ka hortageen tobannaan gantaal oo loo soo tuurayay dhanka Israel” isla markaana ay “si weyn u waxyeelleeyeen awoodda weerar ee ugu muhiimsan nidaamka.”







