Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dil duhurnimadii maanta loogu geystay gudaha magaalada Baledweyne oo wiil dhalinyaro ah oo caan ka ahaa baraha bulshada, gaar ahaan TikTok-ga.
Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Gaboobe Ashkir, waxaana dilkiisa geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda, gaar kuwa lagu magacaabo Ilaalo Qaran.
Ciidamada amaanka degmada Baledweyne ayaa ku guuleystay iney gacanta kusoo dhigaan askariga ka tirsana Ilaalo Qaran ee fuliyay dilka wiilkan dhalinyarada ah ee ka mid ahaa TikTokarada ugu caansan Baledweyne.
Allah u naxariiste marxuumka la dilay ayaa ahaa wiil dhalinyaro oo aad u da’yar, islamarkaana caan ku ahaa soo gudbinta muuqaalada magaalada Baledweyne iyo kuwa madadaalo ah.
Dadka ku nool magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa si weyn uga xumaaday dilkan loo geystay wiilkan dhalinyarada ahaa, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka wiilkan dhalinyarada ahaa.
Dilka marxuum Cabdullaahi Gaboobe ayaa kusoo aadaya, iyadoo magaalada Baledweyne mudooyinkii dambe ay wajaheysay xaalado amni daro oo si weyn u saameyay dadka ku nool xafaadaha kala duwan ee magaalada Baledweyne.






