Xiisad colaadeed ayaa ka taagan deegaanka Laag ee gobolka Bari kaddib markii uu iska hor imaad halkaas ku dhexmaray ciidamo ka tirsan PSF iyo ciidamo taabacsan Daraawiishta Puntland.
Xiisadda ayaa la sheegay inay bilaabatay markii ciidamo ka tirsan PSF oo ka yimid Boosaaso kuna sii jeeday degmada Xaafuun lagu hakiyay buundo u dhow deegaanka Laag, taasoo sababtay ismari-waa iyo rasaas kooban oo labada dhinac ay isweydaarsadeen.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegay in rasaastaasi ay hakad gelisay isu socodkii gaadiidka ee mara waddada deegaanka, halka shacabka ay dareemeen cabsi iyo walaac ka dhashay xaaladda amni.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in labada ciidan ay muddo isku hor fadhiyeen deegaanka, hase yeeshee ma jiro illaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Puntland ama talisyada ciidamada oo ku saabsan sababta rasmiga ah ee iska hor imaadka ama khasaaraha ka dhashay.
Dhinaca kale, ilo amni ayaa sheegay in wada-hadallo dhexmaray saraakiil ka tirsan Taliska Daraawiishta Puntland iyo saraakiil ka tirsan PSF lagu heshiiyay in la dejiyo xiisadda.






