Saddex gobol ayaa la aqoonsaday inay u badan tahay inay u baahdaan daryeel caafimaad oo dheeraad ah: waqooyiga Sweden, jasiiradda Gotland iyo xeebaha bari ee dalka.
Agaasimaha guud ee Hay’adda Adeegyada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Sweden (Socialstyrelsen), Björn Eriksson, ayaa sidaas ku sheegay warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee TT.
“Waxaan ka duuli doonnaa adeegyada caafimaad ee hadda jira, annaga oo xoojinayna awoodda ay u leeyihiin inay qaabilaan dhaawacyo badan, iyadoo ay muhiim tahay in adeegyada caafimaad ee caadiga ahi ay sii socdaan,” ayuu yiri Eriksson.
Saddexdan deegaan ayaa la aqoonsaday kaddib falanqayn ay samaysay Hay’adda Socialstyrelsen oo kaashanaysa hay’ado kale. Falanqaynta ayaa lagu qiimeeyey saameynta uu dagaal suuragal ahi ku yeelan karo Sweden iyo baahiyaha uu xaaladdaasi ku abuuri karo nidaamka caafimaadka dalka.
Eriksson ayaa sheegay in maadaama xaaladaha gobollada Sweden ay kala duwan yihiin, loo baahan yahay in xalalka loo waafajiyo baahiyaha deegaan kasta.
Qorshahan ayaa qayb ka ah dadaallada Sweden ay ku xoojinayso diyaargarowga nidaamkeeda caafimaad, si uu ula tacaali karo dhaawacyo badan iyo baahiyo caafimaad oo degdeg ah haddii dalka uu ka dhaco dagaal, iyadoo la ilaalinayo adeegyada caafimaadka ee bulshada maalin kasta u baahan tahay.








