Maareeyaha cusub ee hay’adda duulista rayidka oo xaflad soo dhoweyn loo sameeyay

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed gaar ahaan saldhiga booliska garoonka Aadan Cadde ayaa maanta kulan soo dhaweyn ah u sameeyay maareeyaha cusub ee hay’adda duulista rayidka Axmed Macalin Xasan ee dhawaan madaxweynaha dalka u magacaabay iyo sidoo kale dhameysirka hay’adda duulista.

Munnaasabadda oo lagu qabtay saldhiga garoonka Adan Cadde ayaa waxaa ka qeyb-galay dhammaan hay’addaha ka howl-galla Garoonka Sida ,Booliska ,nabad sugida, Maamulka garoonka, Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda, Wasaaradda Maaliyadda,iyo ururada diyaaradaha qaabilsan.

Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan Cadde Cabdifitaax Bashiir Mire Cali iyo Cabdir Ashkir Jaamac Maareeeyaha Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay inay si xoogan ula shaqeynayaan Maareeyaha cusub, iyagoo Alle uga barayay  inuu u fududeyo masuuliyada loo ekmaday…cod

Axmed Macalin Xasan Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed  ayaa sheegay in ciidanka booliska ay yihiin laf dhabarka shaqada adag ee ka socota Garoonka ayna yihiin kuwa ugu horeeya ee loogu baahi badanyahay sugidda amniga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa ku booriyay in dhammaan hay’adaha ka howl-galla garoonka ay wadashaqeyn buuxda yeesheen, maadaama uu yahay halka laga daawanayo dowlanimada Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale kormeeray xarunta Hay’adda Duulista Rayidka, waxaana uu ku booriyay in mas’uuliyadda culus ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed la adkeeyo si dalka uu ugaaro dowlad isku filan.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *