Home Wararka Caalamka War Deg Deg Ah:- Mucaaradka Sweden oo ku Guuleestay Doorashada, Codadka oo...

War Deg Deg Ah:- Mucaaradka Sweden oo ku Guuleestay Doorashada, Codadka oo la Dhameestiray

0

Tirinta codadka doorashada baarlamaanka Sweden ayaa lagu soo gabagabeeyay dhammaan 6,626-ka goobood ee codbixinta, iyadoo hadda la sugayo in si rasmi ah loo diiwaangeliyo natiijada hordhaca ah.

Isbahaysiga mucaaradka ayaa helay 176 kursi, halka xisbiyada Tidö ay heleen 173 kursi.

Goobtii ugu dambaysay ee codadka lagu tiriyo waxay ahayd xarunta isku-geynta codadka ee magaalada Göteborg (Yutebori). Mas’uuliyadda doorashada ee Göteborg, Frida Novotny, ayaa sheegtay: “Waxaan hadda dhamaynay tirinta codadka baarlamaanka, waxaana bilaabaynaa diiwaangelintooda,” sida ay soo xigatay Aftonbladet.

Marka codadka si rasmi ah loo diiwaangeliyo, waxaa diyaar noqon doonta natiijada hordhaca ah ee doorashada. Natiijada kama dambaysta ah ayaa la filayaa in la shaaciyo dhowr maalmood gudahood.