Kadib in ka badan 20 bilood oo ay fadhiday diyaaradda Boeing 737 Max ee fadeexadda farsamo ku habsatay ayaa waxaa ay iminka dib u bilowday duullimaadyadeeda.

Diyaaradaha noocaan ah oo dib ugu hagaajin ballaaran lagu sameeyay caalamka oo dhan ayaa mideeda ugu horreysay waxa ay ka duushay magaalada São Paulo ee dalka Brazil, iyadoona u duushay magaalada Porto Alegre ee isla dalkaasi.

Laba shil oo ay ku nafwaayeen marka la isku daro 346 ruux ayaa sannadihii 2018 iyo 2019 waxaa ay ka kala dheceen dalalka Maleysia iyo Indonesiya ayaa dhulka la galay shirkadda Boein ee sameysa diyaaradaha.

Tani waxa ay sababtay in diyaaradda lagu xukumo magdhow ay siiso qaraamada dadka ku dhintay labadaasi shil, iyadoona lagu amray in duullimaadyada ay joojiso diyaaradda Boeing 737 Max.

Warbxin baaritaan oo lasoo saaray ayaa lagu sheegay in shirkaddu ay ka hor marisay ammaanka diyaaradda danaheeda ganacsi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*