Khasrigii uu degganaa heesaa Michael Jacksons ee Neverland oo lagu xaraashay lacag yar

Guri kuwa raaxada ah oo uu lahaa xiddigii dhanka fankaa Michael Jackson ayaa la sheegay in uu iibsaday nin bilyan-neer ah, islamarkana ku iibsaday afar meelood markii loo dhigo meel qiimihii horey la shaaciyay in lagu iibin doono.

Ron Burkle, oo horey ay saaxib u ahaan jireen Jackson, ayaa dhawaan iibsaday gurigani oo ku yaallay Los Olivos, oo ka tirsan gobolka California, sida uu sheegay afhayeenkiisa.

Waxaa uu gurigani ku iibsaday Bilyan-neerkan $22 milyan, sida uu qoray wargeyska the Wall Street Journal , waxaana heshiiska ka warqabay oo kali ah saddex qof.

Gurigan ay beerta ku dhex taalo oo ku fadhiya dhul dhan 1,100 higtar ayaa waxa sanaddii 2015 qiimihiisa lagu sheegay $100 milyan.

Tan iyo xiligaasi ayaa waxaa marar badan la beeciyay gurigani iyada oo sanadkii aaanu soo dhaafnay qiimihiisa uu hoos u soo dhacay islamarkana uu gaaray 31 milyan.

Jackson ayaa gurigani ku yaalla goobta laga dhiso daaraha casriga ah ee Neverland ku iibsaday $19.5 milyan, waxaa uuna guriga ku magacaabay jasiiraddii khiyaaliga ahayd.

Xiddigani heesaaga ahaa ayaa gurigani iyo beerta isku dhex taalla iibsaday sanaddii 1987, isaga oo ka dhigtay hoygiisa xilligii uu bari samaadka ku jiray.

Waxaa uu gurigani u badalay goob madadaalo, isaga oo ka dhisay beer xayawaanada lagu xanaaneeyo iyo goob garoon ah oo qoysaska iyo caruurtooda lagu madadaaliypo.

Sanadihii 1990-maadkii ilaa 2000, ayaa goobtani ku taalla Neverland waxay xuddun u noqtay eedeymo loo jeediyay Jackson oo ku saabsanaa caruur la fara xumeeyay.

Jackson ayaa beeniyay eedeeymaha uu soo jeediyay dacwad oogaha Santa Barbara oo ahaa in uu daartani u isticmaalay islamarkana ka dhigtay goob uu wiilasha yaryar ku faraxumeeyo.

Sanaddii 2005, Jackson ayaa maxkamad la soo taagay waxaana markii dambe lagu waayay kiis ahaa in uu fara xumeeyay wiil yar oo 13 jir ah.

Ka dib Jackson kuma uusan soo laaban gurigani casiga ah ee ku yaalla Neverland.

Afar san ka dib oo ku beegan bishii June sanaddii 2009, ayuu ku geeriyooda Jackson guri kale oo uu ku lahaa Los Angles ka dib markii uu wadnahiisa shaqeyn waayay.

Tan iyo xilligaasi geeridiisa ka dib waxaa soo baxayay eedeymo dheeraad ah oo ku saabsanaa in uu gaystay tacadiyo, waxaana sanaddii sanaddii 2019 sidoo kale laga sameeyay barnaamij dikumiintari ah oo lagu magacabo Leaving Neverland.

Goobtani maalgalinta dhanka guriyaha lagu sameeyo ee Neverland ayaa geeridiisa ka dib waxaa lagu sameeyay hormarin ballaar

Afhayeenka Mr Burkle ayaa sheegay in ganacsadahan uu farsad u arkay maalgalintani uu gurigaasi uu lahaan jiray Jacksan ku iibsaday.

Mr Burkle, oo ah 68 jir, ayaa ah asaasaha iyo milkiilaha shirkadda Yucaipa, LLC, oo ah shirkad maalgashi oo gaar loo leeyahaya.

Warbixintii ugu dambeysay ee la soo saaray 24 December 2020 waxaa hantidiisa lagu qiyaasay $1.4 bilyan , sida lagu xusay wargeyska bn, according to a profile by American business magazine Forbes.an.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *