Home Wararka Maanta Ciidanka xoogga Somaliya oo howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay gobolka...

Ciidanka xoogga Somaliya oo howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay gobolka Baay

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo wado nadiifin ah oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ka sameeyeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee gobolka Baay.

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamadu ku beegsadeen goobo iyo gabaadyo Al-shabaab ku laheyd deegaano dhowr ah oo u dhaxeeya Buurhakaba iyo Baydhabo oo la tilmaamay in kooxdu dadka shacabka ah ku dhibaateyn jireyn.

Howlgalkan oo uu hoggaaminayay Taliyaha  guutada 8-aad ee qeybta 60-aad Gaashaanle Cali Maxamed Aadan ayaa sidoo kale ciidanku waxay wadada kaga saareen miinooyin halis ku ahaa dadka shacabka ah oo Al-shabaab ku aaseen wadooyinka muhiimka ah.

“Hawlgalka oo lagu bartilmaameedsaday sifeynta khawaarijta, ayaa ciidanku ka hortageen dhagaro ay khawaarijtu u diyaariyeen shacabka, iyagoo wadada ka saaray miinooyin halis gelin lahaa nolosha dadka iyo isu-socodka gaadiidka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Taliyaha guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalka uu kusoo dhamaaday si guul ah, islamarkaana ay sii wadayaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud ahaan deegaanada gobolka Baay.