Wargeyska caalamiga ah ee The Jerusalem Post ayaa daabacay warbixin uu ku sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), la filayo inuu dhammaadka bisha Maarso booqasho rasmi ah ku tago dalka Israa’iil.
Sida ay warbixintu xustay, tani waxay noqon doontaa booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah ee madaxweynaha Somaliland ku tago Israa’iil. Hase yeeshee, ilo-wareedyo la hadlay wargeyska ayaa tilmaamay in madaxweynuhu hore si qarsoodi ah u booqday Israa’iil, xilli ay socdeen wada-hadallo diblomaasiyadeed oo horseeday in Israa’iil si rasmi ah u aqoonsato Somaliland bishii December 2025.
Warbixintu waxay sheegtay in Somaliland – oo ku dhawaaqday madaxbannaani 1991 balse aan weli helin aqoonsi caalami ah oo ballaadhan – ay doonayso inay ka gudubto heerka xidhiidh diblomaasiyadeed oo keliya, isla markaana ay balaadhiso iskaashi dhinacyada tiknoolajiyadda, beeraha iyo hal-abuurka. Israa’iil ayaa si weyn loogu yaqaannaa hormuudnimada arrimahan.
Dhanka kale, warbixintu waxay xustay dadaallo kale oo ay Somaliland ku ballaadhinayso xidhiidhkeeda caalamiga ah. “Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa wareysi uu siiyay telefishanka France 24 ku sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay Maraykanka siiso helitaan gaar ah oo ku saabsan kheyraadka macdanta, isla markaana ay martigelin karto saldhigyo milatari oo Maraykan ah.”
“Wasiirku waxa uu arrintaas ku tilmaamay tallaabo istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka Washington, looguna gogol xaadhayo aqoonsi rasmi ah. Somaliland waxay aaminsan tahay in iskaashi qoto dheer oo lala yeesho quwadaha waaweyn uu kaalin muhiim ah ka qaadi karo himiladeeda aqoonsi buuxa.”
Booqashada la filayo ee Madaxweynaha Somaliland ku tegayo Israa’iil ayaa imanaysa xilli ay sii xoogaysanayaan dadaallada diblomaasiyadeed ee Hargeysa ku doonayso inay ku kasbato taageero iyo aqoonsi caalami ah. Dhanka kale, dowlada Soomaaliya ayaa wada dadaalo kuwaa kasoo horjeeda, iyada oo aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay xad gudub ka dhan ah madaxbannaanideeda.








